Isniin, June 02, 2008(HOL): Madaxweynaha Puntland Gen cadde Musse ayaa Saaka Booqday Degaanka Labarugley Halkaasi oo laga wado Macdan Baaris ay fulinayso Shirkada IMC oo wakiil uga ah Shirkada African Oil Waxaana Waqtiga Kormeerku madaxweynuhu Sameenayay Halkaasi ku sugnaa Shaqaale Ajanaib iyo Somali isugu jiray Kuwaasi oo waday Howsha Macdan Baarista.
Madaxweyne Cadde Musse oo ay la socdaan Wafuud badan oo ka tirsan Golayaasha Puntland ay ka kooban tahay Dadka Deegaanka Howshu ka socoto Xubno ka mid ah Iyo Saxaafada Puntland oo iyaguna ku waheliyay Booqashada Madaxweynaha ee Deegaanka Labarugley oo Ka tirsan degaanka Ufayn oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Gobolka Bari.
Madaxweyne cadde musse waxa uu markii halkaasi gaaray uu kula kulmay Masuuliyiinta deegaankaasi Isaga oo sidoo kale Madaxweynuhu la hadlay Shaqaalaha ku howlan Macdan Baarista Oo ku sugan deegaankaasi.
Beeldaaje Cali Beeldaaje faarax Oo ka mid ah isimada Deeganada Puntland sida weyn looga yaqaan Kana soo jeeda Deegaanka Howsha macdan baarista laga wado ayaa waxa uu sheegay beeldaajuhu in dadka deegaanka ay u diyaar yihiin in wax la qabtaan Shirkada IMC Iyo Maamulka Puntland si loo helo Dhaqaale Dadka Oo dhan Anfaca Loogana baxo Sicir bararka Iyo Shaqa la'aanta jirta.
Yaasiin Cartan Mahamed oo ah Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Ayaa u sheegay Dadka deegaanka In looga baahan yahay in ay la yimaadaan fir fircooni kana faa'iideystaan Macdan baarista si loo helo Dad Aqoon u leh Arimahani.
Madaxweyne Cadde Musse Oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay In Macadan Iyo Shidaal laga helo Puntland oo la soo saaro loo soo Maray Marxalado badan oo lagu guuleystay In Markii dame la hirgaliyo in kasta oo Madaxweynuhu sheegay in degaanka ufayn oo kaliya aan laga fulinayn Macdan Baarista Oo kaliya balse ay jiraan deegaano kale oo gaaraya 11 Meelood oo kale oo laga baarayo macdanta oo dhawaan la fulinayo howshooda.
Madaxweynaha Puntland waxa uu ku booriyay Ciidanka in ay ilaaliyaan amaanka Oo la helo jawi lagu shaqayn karo oo Puntlandna ay ku gaadho hamigeeda ah in la soo saaro khayraadka Puntland.
Cadde Musse Ayaa Tibaaxay in shirkado Ajaaniba ah Ay dhawaan Yimaadeen Deegaanada Puntland kuwaasi oo kormeero ku sameeyay Goobo kooban oo baaritaano dhawaan laga fulinayo.
21 Bisha May ee aan soo dhaafnay ayaa si rasmi ah deeganaka Laba rugley ee gobolka bari waxaa looga hirgaliyay Arimaha Macdan Baarista Oo ay fulinayso shirkad Lagu Magacaabo IMC Oo wakiil uga ah deegaanadaasi Shirkada African Oil waxaana marka ay dhamaato Baaridu Si rasmi ah loo guda galayaa Faagida Macdanta Sida uu warbaahinta uu goor hore u sheegay Wasiirka Macdanta Iyo Shidaalka Xasan Aloore.
Mahamud Said
[email protected]
Bosaso, Somalia