Talaado, July 29, 2008(HOL): Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland ee Xaruntiisa tahay Magaalada Garowe ayaa maanta su’aalo kul kulul waydiiyay Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ,waxaana ay wax ka waydiiyeen qaabkii loo maamulay Miisaaniyad sanadeedkii 2007 -2008. ee Puntland.
Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf GaaGaab ayaa Baarlamaanka hortiisa kaga jawaabay su’aalo aad u fara badan, kuwaasi oo ku saabsan dhaqaalaha Puntland gaar ahaan Maaaliyadda.
Su’aalihii Wasiirka la weydiiyay waxaa ka mida ahaa Mushaar la,aanta haysata Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo halka ay ku baxaan dhaqaalaha faraha badan ee soo gala Maamulka Punttlad.
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa ka hor sheegay xildhibanada Baarlamaanka in uu wado qorshe lagu horumarinayo Dhaqaalaha Puntland si loo hakiyo buu yiri Sicir bararka ka jira qaybo ka mid ah Deegaannada Puntland.
Xildhibaanadii soo xaadiray Kulankii maanta ayaa Wasiirka ku eedeeyay in uu sameeyay canshuur-kordhin ,isla markaana ay baabuur badan oo arintaasi ka biya diidan ku xayiran yihiin dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DGPL Axmed Cali Xaashi ayaa tilmaamay in uusan Baarlamaanka uusan ku qanacsanayn jawaabihii uu bixiyay Wasiirka Maaliyadda, isla mar ahaantaana loo ballan sanyahay maalinta berri ah in mar kale lala xisaabtamo Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu soo weeraray Deegaannada Puntland sicir barar aad u xoog badan, kaasi oo si aad ah u taabtay shacabka Puntland , iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka Maaliyadda uu dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku saabsanaa xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia