Talaado, July 29, 2008(HOL): Waxaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ku geeriyooday Fannaan C/risaaq Xasan Kuukaay, kaasi oo ka tirsanaa Kooxihii Waaberi iyo Shareero ee dalka Soomaaliya caanka ka ahaa.
Sida uu Idaacadda Horn Afrik u sheegay Maxamuud Maxamed Ooyaaye oo ka tirsanaa Kooxdii Dur-dur waxaa uu Fannaanka u geeriyooday Xanuunka Kaadi-macaanka oo in muddo ah hayay.
“Inkastoo uu xanuunkaas qabay hadana beryahaan waa uu ka soo reynayay, wuxuuna geeriyooday isagoo si caadi ah u seexday”ayuu yiri Maxamuud Maxamed Ooyaaye oo sheegay in markii uu soo toosi waayay xiligii looga bartay, isla markaana uu qaban waayay taleefoonkiisa oo ay ka waceen ay jebiyeen qolkii uu jiifay, kadibna ay arkeen isagoo dhintay.
Alle ha u naxariistee Fannaan C/risaaq Kuukaay waxaa uu ahaa Fannaan ku luuqeeyay Heeso badan, sidoo kalena wax ka jilay Riwaayado lagu soo bandhigay Tiyaatarkii Qaranka, isagoo Riwaayado la sameeyay Fannaaniin ay ka mid yihiin Maxamuud C/llaahi Sangub, Saado Cali Warsame, Qadra Daahir Cige, Feynuus Shiikh Daahir iyo kuwo kale.
Riwaayadihii uu wax ka dhigay waxaan ka xusi karnaa Maxaa Gacalkii Kala Geeyay?, Horta Caasi Yaa Dhalay? iyo kuwo kale, iyadoo lagu xusuusto hees caan-baxday oo Banaadiri ah, taasi oo ah Maanaay-Maana.
Fannaanka oo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore ku noolaa dalka Kenya ayaa waxay meel ku wada noolaayeen Fannaaniin kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Cali Bacalwaan, Khadiijo Foodey Nuur, Muslimo Qaasim Hilowle iyo kuwo kale.
Alle ha u naxariistee Fannaan C/risaaq Kuukaay waxaa uu ifka kaga tegay afar caruur ah oo haatan ku kala nool Dalal ka tirsan Qaaradda Yurub, gar ahaan Dalalka Holland iyo Sweden.
Ugu dambeyntiina, Sanadkan oo kaliya waxaa geeriyooday Fannaaniin badan oo caan ahaa, kuwaasi oo kala ah Abwaan Xasan Shiikh Muumin, Maxamed Yuusuf, Axmed Nuur Jaangow, C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu-kuu, Macow Aw-diinle, Cabdalla Nuuraddiin Axmed iyo Xasan Diiriye Faarax.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia