Madaxii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Elman oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

Cabirka Farta

Inj. Suudaan Cali Axmed oo Muqdisho ku geeriyooday
Talaado, July 29, 2008(HOL): Waxaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliyeed Madaxii Hay’adda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed, kaasi oo dhawaanahan xanuunsanayay.

Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah madaxa baarista xadgudubyada Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa sheegay in Inj. Suudaan uu u geeriyooday xanuun ka haleelay dhinaca Keliyaha.

Cali Fadhaa waxaa uu sheegay in Inj. Suudaan uu dalalka deriska u tegay sidii xanuunkaas looga daweyn lahaa, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu xoogaa ladnaaday oo uu daweyn soo qaatay.

“Markii uu dalka ku soo noqday ayuu mar kale xanuunsaday, Isbitaal ayaana la dhigay, kaasi oo shan maalmood ka hor laga soo saaray, ilaa ugu dambeyntiina uu xalay u geeriyooday xanuunkii ka hayay dhinaca Keliyaha”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin Cali Fadhaa.

Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa wuxuu madax ka ahaa Hay’ad u doodda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, taasi oo loogu magac-daray Walaalkiis Inj. Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996 Muqdisho lagu dilay, wuxuuna tan iyo xiligaas ku howlanaa sidii Xuquuqda Aadanaha loo dhowri lahaa, nabaddii loo soo celin lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu sidoo kale gacanta ku hayay barnaamijyo xirfado loogu abuurayo dhalinyarada iyo Caruurta aan daryeelka heysan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia