Talaado, July 29, 2008(HOL): Seddex Ruux ayaa geeriyooday kadib markii ay qalibantay Doon ay saarnaayeen oo Shixnad Ganacsi u waday Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Doontan ay Dadka ku dhinteen oo ka soo shiraacatay Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ku qalibantay Deegaanka Qandala oo 20km dhanka Galbeed kaga toosa Magaalada Kismaayo, waxayna ku sii jeeday Dekedda Kismaayo.
Sababta ay u qalibantay Doonta ayaa lagu sheegay iyadoo ay Badda aad u kacsaneyd, isla markaana ay mowjado xooggan biyo gudaha u geliyeen Doonta, taasina ay keentay in ay Doonta qalibanto.
Dad kale oo Doonta saarnaa ayaa ka badbaaday in ay ku dhintaan shilka Doonta ku dhacay, waxayna dadkaasi soo gaareen Xeebta Qandala iyagoo bed-qaba, waa sida ay sheegeen dad ku sugan Deegaankaas.
Waa markii labaad sanadkan gudahiisa oo Doon ku rogmatay Xeebaha duleedka Kismaayo ay Dad ku dhintaan, waxayna ahayd afar bilood ka hor markii Doon Kalluumeysi oo ku rogmatay halkaas ay ku dhinteen shan ruux.
Ugu dambeyntiina, Shilalka ceynkan oo kale ah ee ku yimaada Doomaha ayaa waxay dhacaan inta badan waqtiyada Bad-xiranka oo ay adag tahay in ay Doomaha si caadi ah ugu socdaan Badda sabab la xiriirta Badda oo aad u kacsan aawgeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia