Muranka dhoofka Xoolaha ee Somaliland

Cabirka Farta

Talaado, July 29, 2008(HOL): Xukuumada Somaliland ayaa mar kale ku war-gelisay  Ganacsatada koota diidka ah in aanay ka noqonayn  go’aanka dhoofka Xoolaha loogu xidhay Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Al Jabiri, Islamarkaana waxa halkaa ku soo gabagaboobay dedaalo iyo wada-hadalo todobaadkii ugu danbeeyay-ba u socday Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo gudiga ganacsatada, kaasoo la doonayay in xal loogu raadiyo muran ka taagan ganacsiga dhoofka Xoolaha.

Gudoomiye ku xigeenka Gudiga ganacsatada xoolaha diiddan heshiiska dawladda, Xuseen Max'ed Cawaale (Gacmadheere) ayaa xalay Ogaal uga waramay wada-hadaladii mudada socday waxa lagu soo gaba-gabeeyay iyo go’aamada Xukuumadu kaga soo noqday.

Xog-waraysigaasina waxa uu u dhacay Sidan:

S: Xukuumadda maxaa illaa hada idin kaga soo noqoday ee go’aan ah?

J: Dee, waxa nagaga soo noqday laba qodob, oo anagu waxaanu sugaynay markii hore in Xoolaha la fasaxo ama xoolahan jooga la raro oo dib loo wadahadlo, shuruudahayagii horena ka mid ayay ahayd. markaa waxa nagaga soo noqday laba qodob mid soo gala ayay na tidhi Xukuumadu inaad Yemen u rartaan saddex Doollar oo dhiboosid (Rahmaad) ahna bixisaan neef kasta si inaydaan xoolaha u duwaynin Jabuuti iyo inaad ninka Carbeed ee Al-jabiri ku wareejisaan. Markaa go’aankii Xukuumaddu sidaa ayuu noqday.

S: Markay sidaa tahay maxaad idinku Ganacsato ahaan kaga jawaabteen ee go’aan ah?.

J: Waxaanu kaga jawaabnay anagu meelihii kale ee aanu ka diri karno waanu ka diraynaa, waxaana noo hadhsan labadii Gole ee Qaranka (Guurtida iyo Wakiillada), xukuumada go’aankeediina sidaas ayuu noqday, markaa labadaa gole ayuun baanu eegaynaa waxay qabtaan.

S: Markaa, halkee ku shirteen maanta (shalay) ee go’aankan laydinku dhiibay?

J: Xarunta Wasaarada Duulista iyo Hawada.

S: Xoolo 10,000 oo neef ka badan ayaa Berbera ku sugan sida la sheegay, markaa xooluhu miyay idin sugi karayaan itaa?

J: Dee mayee, xoolaha dadka leh ayay u taala taladoodu. laakiin, ma sugi karayaan.

S: Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada shirgudoonkooda shalay (Dorraad) baad wada hadasheen, markaa dibay idiin kala balameen oo na suga ayay yidhaahdeen, intee in le’eg baad sugaysaan?.

J: Horta, iyagu wakhti cayiman namay siin, oo namay odhan wakhtigaa na suga. laakiin, iyagu goortay arrinkooda gebo-gabeeyaan ee ay wax ku dhawaaqaan ayuun baanu sugaynaa.

S: Maanta waxa nagu maqaalo ah in Gudoomiyihii gudidiina iyo xubno kale oo muhiim ahi ay Burco u dhaadhaceen, isla-markaana lagu wado inay talaabo halkaa ka qaadaan, Caawana shirk u leeyihiin Burco taasi ma jirtaa, maxaadse isku ogtihiin ee ku talo jirtaan inaad ku talaabsataan?.

J: Arrintaa waxba kama jiraan. laakiin, waftigaasi Burco wuu tagay, ee waxa uu Burco u tagayna dadkii xoolaha lahaa ayuu wixii dawlada lagala soo kulmay u gudbinayaan.

S: Markaa ma isla garateen ka guddi ahaan inaad sugtaan labada Gole ee Baarlamanka?.

J: Dee haa. talaabo kale oo la qaadi karaa ma jirto ee labada Gole wixii ka soo baxa ayuun baa la sugayaa.

S: Hore waxa u jirtay in laydiin fasaxay inaad rarataan xoolihii dekeda ku sugnaa, ka dibna wada-hadaladii aad gasheen laydinku sheegay inaan xukuumadu ka baxayn heshiiskii Al-Jabiri, markaa ka dib hadana xoolihii ayaad rarteen oo geyseen Berbera, markaa miyaan la odhan karin idinka qudhiina ayaa talaabadaa ku deg degay?.

J: Horta, annagu waxaanu ka soo hor-jeednaa habkan kootada, waxaanu taaganahay qodob sharciya oo sheegaya suuqa xorta ah oo dastuuriya. in aanu xoolaha dhaadhicino qodobka aanu ka duulaynaa waa kaas, xoolahana markii kuwii hore naloo fasaxay way iibsanaayeen oo way diyaarsanaayeen.

S: iminka dadka qaar waxay idiin arkaan niman xoolihii ma yeedhaanka ahaa ku dagaalamay ama siyaasad ka dayay, isla-markaana, kulaylkii Xagaaga ku laayay mayeedhaankii idinkoo og inaan la idiin ogolayn arrintaa maxaad kaga jawaabaysaa?.

J: Annagu dad siyaasiyiin ah ma nihin ee dad xoolo dhoofsato ah baanu nahay, markaa annagu siyaasad shaqo kuma lihin. siyaasada ganacsigu waa suuq-gayn iyo tartan faa’iido doon ah iyo khasaare ka baxsi ayay siyaasada ganacsigu tahay. Markaa, annaga taayadu siyaasad maaha, ee siyaasadu waa ta xisbiyadu isku haystaan.

S: Waxa la sheegayay in booyadihii biyaha Adhiga u dhaaminayay la xidh-xidhay, arrintaasi miyay jirtaa?

J: Arrintaasi waa hadalo na soo gaadhay. laakiin, anigu ma caddayn karo.

S: Haddii go’aankii xukuumadu kaa aad sheegayso noqoday, maxaad yeelaysaan ee idiin qorshaysan?

J: Dee, waxa noo qorshaysan in haday suuro-gasho la wada hadlo, xoolahana la sii daayo.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland