Talaado, July 29, 2008(HOL): Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo markii labaad todobaad gudahiisa shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay war ka soo saareen dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne.
Xildhibaannadan ayaa shirka ay isugu yimaadeen waxay ku cambaareeyeen dhinacyada ku dagaallamay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku dul-dagaalameen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Xildhibaannadan oo kala ah Cali C/llaahi Cosoble, Maxamed Xuseen Raage, Maxamed Xuseen Caddow, Caasho C/llaahi Ciise iyo Seynab Maxamed Caamir ayaa dhamaantood waxay isku raaceen in dhibaatada ku dhacday dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne ay mas’uul ka yihiin dadkii weerarka ku qaaday magaalada Beledweyne oo weliba sida ay yiraahdeen sheeganayay in ay Gobolka ka soo jeedaan.
Xildhibaanad Caasho C/llaahi Ciise ayaa waxay sheegtay in dagaalkii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ay dhibaatada ugu badan ka soo gaartay Dad rayid ah oo u badan Caruur, Haween iyo Dad waayeello ah, kuwaasi oo ay sheegtay inay haatan duruufo nololeed ku heystaan meelo aan u qalmin in ay ku noolaan.
Ugu dambeyntiina, Xildhibaanadan oo ay tahay markii labaad oo ay war ka soo saaraan dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxay dhinaca kale ugu baaqeen Hay’adaha Samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraan Dadkii ku barakacay Dagaalladaas oo u qaxay duleedyada Beledweyne iyo weliba Magaalooyinka u dhow.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia