Axad, January 06, 2008(HOL): Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa maanta waxay booqasho ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, iyadoo socdaalka wafdigaasna uu lahaa ujeedooyin kala duwan.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya Dalka Kenya, Haweeneyda lagu magacaabo Elizabeth Barber ayaa waxaa xubno ka ahaa Safiirro ka socday dalalka Britain, Italy, Norway, Belgium iyo Czech Republic, waxayna kulan la qaateen markii ay Baydhabo gaareen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo Ku-sime u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Wafdigan ka socday Midowga Yurub ayaa la sheegay in ujeedada socdaalkiisa uu labo qeybood ahaa, kuwaasi oo kala ah in ay taageeraan Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo in ay sheegaan in haatan wixii ka dambeeya ay bixin doonaan mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradooda gaareyso 275 Mudane.
Xubnaha Wafdigan ayaa waxay sheegeen in Midowga Yurub uu bixin doono bil walba Mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 1,200 Doollar, inkastoo la daba dhigay bixinta mushaarkaas shuruud ah in aysan Xildhibaannada ka maqnaanin fadhiyada Baarlamaanka oo markaasina uu jiri doono mas’uul ka socda Hay’adda UNDP oo iyada lacagta mushaarka la soo marsiin doono
Sidoo kalena, Xubnaha Wafdigan intii ay ku sugnaayeen Magaalada Baydhabo waxay kulan la qaateen Guddoomiyayaasha 14 guddi oo uu Baarlamaanka Soomaaliya leeyahay, kuwaasi oo la sheegay in ay kala hadleen sidii ay ugu dadaali lahaayeen in uu Baarlamaanka howshiisa u guto si cadaalad ah, iyagoo ugu baaqay in ay taageero siiyaan Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, taasi oo ay ku tilmaameen mid ku haboon xiligan Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Socdaalka Wafdigan uu ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu ku maqan yahay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi sababta uu u aaday ay ka soo baxayaan warar kala duwan, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in uu halkaas u aaday arrimo caafimaadkiisa la xiriira, halka warar kalena ay sheegayaan in uu socdaalkiisa la xiriiro arrimo shaqo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia