Bam gacmeed lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Degmada Federaalka oo ku sugnaa Xaafadda Howl-Wadaag ee Degmada Baladweyne

Axad, January 06, 2008(HOL): Bam kuwa Gacanta laga tuuro ah ayaa habeenimadii xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada federaalka oo ku sugnaa Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne waxaana la maqlay markii Bamku Qaraxay kadib Rasaas Xoog leh oo ay ridayeen Ciidamada Weerarka lagu qaaday.

Taliyaha qeybta Baliiska gobalka Hiiraan  Col. Cabdi Aadan Cadow oo la hadlay weerarka kadib HOL ayaa sheegay in uusan jirin wax qasaare ah oo  soo gaaray dhinaca Ciidamada, isagoo intaas ku daray in qofkii Bamka tuurayna uu baxsaday laakiin waxaaa uu yiri “waxeynu sameyn doonnaa baaritaan dheeraad ah si markaas loo ogaado kuwii falkaas isaga ah ka danbeeyay.

Goorta weerarku dhacay habeenimadii xalay ayaa dhawaan lagu wareejiyay Ciidamado ka tirsanaa Dowlada Federaalka laakiin ahaa Ciidamo Beeleed waxaana uu maamulku ku wareejiyay Ciidamo isku dhaf ah taasoo muran xoog leh keentay, lama oga in weerarkii xalay uu salka ku hayo arintaas iyada ah iyo in kale.

Guud ahaan Gobalka Hiiraan ayaa Sanadkii Ina dhaafay ahaa Gobalka ay ka dhacaan Qaraxyada ugu badan marka laga soo tago Caasimadda Muqdisho, waxaana weerarro is xig-xigay oo lagu qaaday Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Ciidamada Dowlada Federaalka inta la og-yahay ku dhintay dad kor u dhaafaya 10 Ruux kuwaasoo isugu jira Ciidamada Dowladda iyo Dad Rayid ah.

Dhanka kale Tuulo lagu magacaabo Xujuub oo ka tirsan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Saddax caruur ah uu ku qaraxay Bam ay ku cayaarayeen kaasoo sababay in mid ka mid ah caruurtaasi geeriyoodo halka Labada kalena ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia