Axad, January 06, 2008(HOL): Duqa Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi ayaa sheegay in dhawaan deegaankaasi doonyo Kaluumaysi oo sharci daro u soo galay biyaha Somaliland ganaaxyo kala duwan lagaga qaaday, Islamarkaana waxaa uu ku dooday in Maraakiibta Kaluumaysi ee ku jira xeebaha Galbeed ee Somaliland ay yihiin kuwo Wasaaradda Kaluumaysigu heshiis la gashay.
Maayarka Saylac waxa uu sidaa ku sheegay xogwaraysi kooban oo aanu isaga oo jooga magaalada Saylac khadka telefoonka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, ayuu kaga waramay xaalada guud ee degmadaasi iyo gaadiid nooca xamuulka qaada ah oo todobaadkii ayunu soo dhaafnay ku xanibnaa magaalada Saylac waxa uu ka ogyahay. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya gaadiidkaasi waxa uu sheegay inaanay jirin muran dhinaca cashuuraha ah oo keenay xanibaada gaadiidkaasi balse ayuu yidhi. “Waa xaga maamulka kastamka ee halkan joogay iyo kuwa Hargeysa jooga ee Agaasimayaasha ah ayaa mooyi wax baa jira oo is edaynaya, markaa cid kale ayay u soo direenoo waa la cashuurayaa imikaba, oo gadiidkii wixii la cashuuray wuu socday.”
Su’aal laga weydiiyay maayarka Maamulka Hargeysa ee Maaliyada iyo maamulka Kastamka ee degmada Saylac in Khilaaf soo dhex-galay oo taasi keentay inay xanibaadani dhacdo waxa uu yidhi. “Waa sidaanu u qaadanay. Waayo dee dadweynaha gaadiidlayda ah wax dhibaato ah oo ka jirtay ma jirto. Laakiin, rag kale ayaa Hargeysa laga soo diray. Dabadeedna maamulihii hore ee Kastamka oo Xajka ku maqnaa baa isaguna yimi, oo hawshii wada. Markaa waxaanu u aragnay uun maamulka gudihiisa inay ku kooban tahay. Dabadeedna waxaanu la hadlay qoladaa Hargeysa, waxaanu ku nidhi dee bal si deg deg ah dadkaa ha loogu fududeeyo.”
Maayarka Degmada Saylac waxa kale oo uu ka hadlay xaalada Degmadaasi oo uu sheegay in wakhtigan ay aad u fiicantahay. Hase ahaatee waxa uu tilmaamay inay weli taagantahay cabasho dadka deegaankaasi oo la xidhiidha dhinaca caafimaadka iyo biyaha. “Arrimahaasi way jireen, imikadana way taagan yihiin. Laakiin, xaga caafimaadka waxa yimi Wasiiro, cisbitaalkiina way fureen, waxaanay sheegeen inay caafimaadka xagiisa ay talaabo wayn ka qaadayaan, shaqaale Wasaaradu way qoraysaa, diktoor waa la keenay, xaga caafimaadka waxaad moodaa wali inaan la dhamaystirine, waxooga yari soo iftiimayo. Laakiin, wali biyihii waa sidoodii waxba lagama qaban, magaaladu wali biyo ma laha, dedaal waanu ka samaynay. Markaanu Hargeysa tagnay Hay’ada UNICEF-tu waxay na tidhi qandaraaskii waanu bixinaynaa, oo iminkaanu bilaabaynaa, oo arrintaasi iminka sanad iyo waxoogaa ayay jiitamaysaa, Wasaarada Macdanta iyo biyuhu way ogtahay oo waanu la socodsiinay.”
Maayarka waxa kale oo aanu wax ka weydiiyay Maraakiibta Kaluumaysi ee xeebta Galbeed ee Badaha Somaliland ka Kaluumaysta oo had iyo jeer cabasho xoog lihi ka soo yeedho waxa uu ka ogyahay iyo sida ay ku yihiin deegaanadaasi waxana uu ku jawaabay. “Maraakiibta joogtaa waa kuwa dawladu ruqsada soo siiso oo ay la socdaan shaqaale Wasaarada Kalluumaysiga ka socdaa…. Iminka 10 doonyood oo Yamani leedahay ayaa la qabtay, amase yimi oo ruqsad doonayay, kuwaasoo iminka la hayay, waana la ganaaxay, waana la sii daayay, midkiibana waxa lagu ganaaxay 200 Dollar, badda wixii naga xoog badan mooyaane wixii kale ciidan baa jira oo talaabo ka qaadaya. … Wasaarada ayaana ganaaxday, hadday dekeda yimaadaan iyo hadaanay imana way kala duwan tahay, markaa dekeday yimaadeenoo waa waxay Wasaaradu ku shaqo leedahay.” Sidaa ayuu yidhi Maayarku.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland