Mas’uul u hadlay Maxkamadihii Islaamka oo ugu baaqay Ajaaniibta ku sugan Dalka Soomaaliya in ay isaga baxaan

Axad, January 06, 2008(HOL): Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey oo ka mid ah Maxkamadihii Islaamka ayaa ugu baaqay Ajaaniibta ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho in dalka ka baxaan, haddii kalena sida uu yiri loo qaadanayo in ay wax la wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Shiikh Maxamuud oo u waramay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ka socdo dagaal jihaad ah, sidaas darteedna la diidayo in ay Ajaaniibta saameyn ku yeeshaan, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay dalalka ay safiirrada ka joogaan Soomaaliya in ay Danjirayaashooda ka kaxeystaan.
 
Shiikh Maxamuud oo sii hadlayay waxaa uu ka hadlay Labo Diblumaasi ah oo shalay laga af-duubay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka tirsan Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in labadaas Diblumaasi looga shakiyay in ay Basaasiin yihiin balse markii la ogaaday in aysan wax lug ah ku lahayn arrimahaas la iska sii daayay.
 
“Maxkamadihii Islaamka waxaa la xusuusan yahay in ay dadka u heyn jireen adeegyo ay ka mid yihiin soo celinta Nabadgelyadii Soomaaliya, hadana waxay ku howlan yihiin in ay dalka ka xoreeyaan cadawga ku soo duulay”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.

Hadalka Mas’uulkan ka tirsanaa Maxkamadihi Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay Suuqa Bakaaraha lagu af-duubtay labo Diblumaasi oo ka tirsan Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya, kuwaasi oo markii dambe xoriyaddooda dib u helay oo la sii daayay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia