Dowladda Federalka Soomaaliya oo sheegtay in ay baareyso qaabkii uu u dhacay Af-duub Shalay Muqdisho loogu geystay Diblumaasiyiin Liibiya u dhashay

Axad, January 06, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay bilowday baaritaan ay ku sameyneyso qaabkii uu u dhacay af-duub shalay Muqdisho loogu geystay Diblumaasiyiin ka tirsan Safaaradda ay Liibiya ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa sheegay in uu Riwaayad la sameeyay ahaa Af-duubka la sheegay in Muqdisho loogu geystay Diblumaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya.
 
“Waxaa su’aal ka taagan tahay sababta ay raggaas u aadeen Suuqa Baakaraha oo ah meesha ay ku dhuuntaan Muqaawamada, arrintaas baaris ayaa lagu hayaa, marka ay baarista soo dhamaatana Dowladda wey soo bandhigi doontaa”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed.

Hadalka Afhayeenka Madaxweynaha ayaa wuxuu yimid saacado kadib markii Diblumaasiyiintaas u dhashay Dalka Liibiya ay sii daayeen Kooxihii ka af-duubtay Suuqa Bakaaraha, wuxuuna ku cel celiyay in ay baaris ku sameynayaan sax ahaanshaha in raggaas la af-duubtay.

Saraakiisha u xil-saaran Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wax laga weydiiyay af-duubka Diblumaasiyiintaasna waxay sheegeen in aysan ogeyn Diblumaasiyiin Warqadahooda Aqoonsiga tusay Dowladda Federaalka oo Muqdisho ku sugan, sidaas darteedna waxay laaleen in ay jiraan Diblumaasiyiin Liibiyaan ah oo Muqdisho jooga.

Dhanka kalena, Mas’uul ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka oo lagu magacaabo Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo Af-duubka Diblumaasiyiintaas wax laga weydiiyay ayaa sheegay in labadaas Diblumaasi oo loo qabtay sabab la xiriirta in ay Basaasiin ahaayeen la sii daayay kadib markii la ogaaday in aysan arrintaas wax shaqo ah ku lahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia