Axad, January 06, 2008(HOL): In meel layska dhigo Qancinta Beelaha iyo Shaqsiyaad loo arko in ay caqabad ku noqon karaan horumarinta Howlaha Dowlada waxaa la oran kara waa fursadda kaliya ee loogu gudbi karo horumarinta howlaha culusl ee horyaala Dowlada Federaalka oo wixii ka horeeyay Magacaabistan uu sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku mashquulsaneyd Raali galinta Beelo iyo Shaqsiyaad ka cabanaya in aysan ka dhax-muuqan Kuraasta iyo Laamaha Dowlad kasta oo la dhiso.
Lakiin hadda waxaad moodaa in R/Iisal Wasaaraha Cusub uu qaatay Talaabo Geesimo leh kadib markii uu soo dhisay Xukuumad ka kooban 18 Wasaaradood oo waliba qaarkood aysan ka mid aheyn Xubnaha ku jira Golaha Baarlamaanka oo markoodii hore isku arkayay in ay iyagu yihiin kuwa shirciga u dajiyay Dowlada islamarkaana ah Mudanayaasha Xukuumad kasta oo la soo dhiso.
Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in 18ka Wasaaradood ee la soo dhisay 5 Wasaaradood oo ka mid ah kaliya loo sameeyay Wasiir Ku-xigeeno taasoo u muuqta hor mar ay ku talaabsatay mutadii ay dowladu jirtay.
Xukuumada Tirada yar ee loo sameeyay Dowlada Federaalka wax weyn ka badali karta sidii horay loogu dhaqaajin lahaa Howlaha culus ee hor yaala xiliga adag Dowlada C/laahi Yuusuf Axmed, Waayo waxaa ay wax weyn ka tari karaa Xubno kooban oo la dhiso in wada shaqeynta kala dhaxeysa R/Iisal Waraaha gaar ahaan marka la eego warbixinada ku aadan wax qabadka Xukuumada oo noqoneysa mid kooban islamarkaana leh meel loogu soo hagaago.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxay Wasaaradihii beelaha iyo shaqsiyaadka lagu qancin jiray oo lawada og-yahay qaarkood xitaa in mar marka qaar in wasiiradu isku qabsan jireen sida loo maamulayo Sida Labo wasiir oo kala Maamulaya labo Wasaaradood oo haddana howlo isku mid ah qabanaya.
Dhinaca kale marka laga eego dhaqaale ahaan waa mid ku haboon xiligan in Dowladu yeelato Xukuumad Tiro yar si markaa loo yareeyo dhaqaalihii la galin jiray Wasaaradihii Tirada badaa loona weeciyo dib u dhiska dalka iyo hor marinta howlaha kale ee hor yaala Dowlada Federaalka.
Marka loo sii fiirsado sida ay hadda u dhisan tahay Xukuumada uu soo magacaabay R/Iisal Wasaare Nuur Cade waxaa kuu soo baxaya in arinta laga eegay dhinaca wax qabadka lakiin meesha laga saaray sida Shaqsiyaadku ugu kala fir fircoonaayeen dhibaatadii dalka ka dhacday oo markii hore lays ku tix-galin jiray, Waayo Wasaaradaha Qaar ayaad arkeysaa in Maamulkooda loo dhiibay Shaqsiyaad dabcan loo arkay in ay ka soo dhalaali karaa iyada oo aan la fiirin Beelaha ay ka soo jeedaan taasoo horay u marin karta habsami u socodka howlaha hor yaala dowlada oo u baahan dad tiro kooban oo aqoonteeda leh.
Talaabada ku dheehan Tijaabada Siyaasadeed ee uu qaatay R/Iisal Wasaare Nuur Cade oo ah Aqoon-yahan laga soo magacaabay Dibada Baalamaanka ayaan la ogeyn sida ay ku aqbali karaa Xubanaha ku jira Gudaha Baalmaaanka oo qaarkood iska waayay Liiska Tirada yar ee soo baxay kuwaasoo laga yaabo sidii horayba u dhici jirtay in ay abuuraan Olale ka dhan Xukuumada cusub si markaa xaalku ku Noqdo (Jug Jug Meeshaadii Joog oo kale) waxase haboon in markan Baalamaanku gudbiyo Xukuumada cusub si markaa loo samata bixiyo dalka iyo dadka waqtiga kooban ee harsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia