Qaramada Midoobay oo rajo ka muujisay wada hadal dhexmara dhinacyada isku haya Dalka Soomaaliya

Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Arbaco, January 16, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadal dhexmara dhinacyada Soomaalida ah ee isku haya Soomaaliya.

Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo wareysi siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA ayaa sheegay in uu dhawaan wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna farta ku fiiqay in ay labada dhinacba muujinayaan ifafaale ku saabsan in la wada hadlo.

Ergaygan wuxuu intaas ku sii daray in hadafka dib u heshiisiinta Soomaalida haatan lagu guuleysan karo, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in ay Dadka Soomaaliyeed ka daaleen Dagaallada.

Hadalka uu sii daayay Ergaygan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegayay in ay socdaan dadaallo ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu wada hadalsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, waxaana xusid mudan in ay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ay sheegeen in ay kulan la yeesheen Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ay isla soo qaadeen sida loo xalili karo mushkiladda Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad lagu qiyaasay Lix Kun oo Ruux ayaa ku dhintay dagaallo sanadkii hore ka dhacay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo welina ay sii socdaan dagaalladii labada dhinac u dhaxeeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia