Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Baaq u diray Beelo ay colaad ugu dhaxeyso Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

Arbaco, January 16, 2008(HOL):  Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ah Ugaas Beesha Xawaadle ayaa baaq u diray Beelo ay colaad ugu dhaxeyso xadka kala qeybiya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugaaska oo ka hadlayay Kulan ay isugu yimaadeen Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay in ay isku dayayaan in ay xal dhameystiran ka gaaraan colaadda labada beelood u dhaxeysa, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay labada beelood in ay qaataan xalka ugu wanaagsan oo ah Nabadda.

Ugaaska waxaa uu intaas ku daray in ay la xiriiri doonaan Imaamka Beesha Mudullood Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu horay uga qeyb-qaatay heshiis la dhex-dhigay labada Beelood ee haatan uu dagaalkooda ka soo cusboonaaday xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Baaqa uu jeediyay Ugaas C/raxmaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dagaallo dhawaan ka dhacay Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad ka soo kala jeeda labada gobol.

Dagaalka ka soo cusboonaaday xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2007 uu deegaanka  Moqa-kori ka dhacay shir lagu soo af-jarayay colaad in muddo ah u dhaxeysay Beelo ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay xusid mudan tahay in Odayaashii shirkaas isugu yimid ay hoggaaminayeen Duubabka dhaqanka Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee kala ah Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalka dib uga soo cusboonaaday Xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu yahay midkii koowaad oo dhexmaray labada beelood tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2008, iyadoo la xusuusan yahay in dagaallo horay u dhexmaray labada beelood uu geystay dhimashada dad tiro badan oo labada beelood ka soo jeeda, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo aan iyana tiro yareyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia