Dagaallo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho

Arbaco, January 16, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo labo jeer oo xalay ah ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq ilaa Warshaddii Baastada ayaa midkii koowaad waxaa uu dhacay abaara 6:15kii fiidnimo, wuxuuna dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu socday muddo saacad ku dhow.

Lama oga khasaaraha uu dagaalkaas geystay sabab la xiriirta goobta uu ka dhacay oo ay horay uga barakaceen dadkii deganaa aawgeed, inkastoo la sheegayo ay jireen guryo aaney dad ku nooleyn oo ay madaafiic ku dhaceen.

Saacado kadib ayaa hadana isla halkii uu dagaalkii hore ka dhacay waxaa mar kale laga maqlay daryanka madafiicda iyo rasaasta yar yar ee ay isku ridayaan dhinacyadii uu u dhaxeeyay dagaalkii hore, kuwaasi oo sida muuqata isku soo rogaal-celiyay.

Wuxuu ahaa dagaal aad u xooggan sida ay sheegeen Dad degan xaafado aan ka fogeyn halkii uu dagaalka ka dhacay, waxayna labada dhinac isku rideen madaafiic aan horay loo maqlin dhawaqooda, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium-na ay adeegsadeen intii uu dagaalka socday Madfac ay Dadka Muqdisho ku dhaqan u bixiyeen magaca Fooriye sabab la xiriirta in aysan weligood maqlin dhawaqiisa.

Ugu dambeyntiina, Goobihii ay xalay dagaallada ka dhaceen ayaa saaka degan, waxaana caadi ah dhaqdhaqaaqyada dadka iyo Gaadiidka, inkastoo ay dadka ka baqayaan ay maraan goobaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kaga sugan yihiin Wadada Warshadaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia