Arbaco, January 16, 2008(HOL): Gaari Ural ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka lagu weeraray Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago xili ay marayeen agagaarka Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu waxyeello xooggan u geystay gaarigii Ural ahaa ee ay Ciidamada saarnaayeen, iyadoo sidoo kalena ay Dad goob-joogayaal ah arkeen Meydadka iyo Dhaawaca Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee gaarigaas la socday.
Goob-jooge ku sugnaa agagaarka Isgoyska Fagax markii ay gaariga Miinada la kaceysay ayaa wuxuu sheegay in Gaarigan iyo Ciidamada la socday ay ka yimaadeen dhinaca Xarunta Warshaddii Baastada oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanka, hayeeshee intii uusan gaarin meeshii uu u socday uu haleelay Qaraxa lagu weeraray.
Goob-joogahani oo magaciisa qariyay waxaa uu intaas ku daray in ay qaraxaas kadib Ciidamada Itoobiyaanka fureen rasaas fara badan oo ay isku difaacayeen, iyadoo kadibna ay halkaas gaareen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo u soo gurmaday Ciidamadii qaraxa lagu weeraray.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii isla meesha Gaarigan Itoobiyaanka lagu qarxiyay ay Miino kula kacday Gaari BL ah, kaasi oo ay ku baaba’een dad rayid ah oo saarnaa, iyadoo Miinadaasna ay ahayd mid la doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Wadadaas marayay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya Miinooyinka Waddooyinka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, iyadoo qaraxyadaasina ay yihiin kuwo inta badan lagu weeraro mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia