Arbaco, January 16, 2008(HOL): Wariye Ayaale Xuseen Cabdi oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa habeenimadii xalay waxaa gurigiisa oo ka kaxeystay Ciidamo ka tirsan ilaalada Gaarka ah ee Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan kuwsoo xabsiga dhigay Wariyaha.
Maalintii shalay ayaa sida wararku sheegayaan waxaa Xafiiska Gudoomiyaha Gobalka ka soo baxay Warqad ama Waaran fasaxaya xariga Wariye Ayaale Xuseen, ilaa haddana Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo uu maamulku ka bixiyay Sababta keentay Xariga Wariyaha.
Laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulku ka biyo diiday sida Wariye Ayaale Xuseen Cabdi uga waramay dhac dooyinkii is xig-xigay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu ku biiray Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Xariga Wariye Ayaale Xuseen Cabdi ayaa waxaa canbaareeyay hay'adaha u dooda Xuquuq-da, Aadanaha ee Fadhigoodu yahay Magaalada Beleweyne kuwaasoo ku tilmaamay in xarigaasi yahay mid meel ka dhac ku ah xuriyada Saxaafada.
Max'ed Cismaan Timo-jilic oo ah Madaxa dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah ee Gobalka Hiiraan ayaa ka codsaday Mas'uuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan in la sii daayo Wariye Ayaale, waxaana uu Timo-jilic intaa ku daray in hadii ay jiraan Qaladaad maamulku uu ka tabanayo Wariyaha marka hore loo baahan yahay in la siiyo digniin, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay dacadiyo sida uu sheegay Maamulada hoos tago Dowlada Federaalka ay kula kacayaan Suxufiyiinta ka howl-gala gudaha Dalka Soomaaliya.
Ma'aha Markii ugu horeysay oo uu Maamulka Gobalka Hiiraan Xabsiga dhigo Wariyayaasha ka howl-gala Gobalka, Lakiin Wariye Ayaale Xuseen Cabdi ayaa Noqonaya Wariyihii ugu horeeyay oo bilowga Sanadkan cusub ee 2008 Maamulku Xabsiga u taxaabo iyada oo waliba xili habeenimo lagala baxay gurigiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia