Arbaco, January 16, 2008(HOL): Shir lagaga hadlayay ka tashiga Barnaamijka horumarinta iyo dib-u-dhiska Somaliland (RDP), oo ay isugu yimaadeen Wasiiro, Wakiillada Hay’adaha deeqda bixiya, kuwa Qaramada Midoobay iyo dhammaan masuuliyiinta laamaha dawladda ee kala duwan, ayaa maanta ka furmay Magaalada Hargeysa.
Shirkan oo uu furay Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), ayaa waxa uu ku dheeraaday ujeedada shirka iyo waxa loogu baahan yahay in lagu lafo guro. “Shirkani wuxuu ku saabsan yahay Maaraynta deeqda iyo isku dubbaridka wada tashi lala yeesho qolooyinka Deeqda bixiya iyo fulinta Barnaamjikan” ayuu yiri Wasiirku. Waxaanu sheegay inaan fulinta barnaamijkan looga baahnayn oo kaliya Xukuumadda oo aan kaligeed qaban karin, balse looga baahan yahay dhammaan Shacabka Somaliland iyo Dawladda oo isku duuban. “Fulinta Barnaamijkani m aaha mid gaar u ah Wasaarad ama Hay’ad dawli ah oo laga rabo inay fuliso, hase ahaatee waa mid laga rabo guud ahaan Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland” ayuu yidhi Wasiirku.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland