Jendayi Frazer oo booqasho ku tagtay Magaalada Hargeysa

Jendayi Frazer oo booqatay Somaliland

Axad, February 03, 2008(HOL): Waxaa booqasho hal maalin ah ku tagay Magaalada Hargeysa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Socdaalka ay Jendayi Frazer ku tagtay Magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland ayaa wuxuu qeyb ka yahay martiqaad uu Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin u fidiyay mar uu dhawaan socdaal ku tegay Dalka Mareykanka.

Jendayi Frazer oo markii ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Saxafiyiinta la hadashay ayaa waxay sheegtay in socdaalkeeda uu la xiriiro casuumaad uu u sameeyay Madaxweynaha Somaliland oo ay Mareykanka isku arkeen, waxayna sheegtay in inta ay joogto Magaalada Hargeysa ay kulamo la qaadan doonto Xukuumadda Somaliland.

“Ujeedada socdaalkeyga waa in aan ka jawaabo casuumaad uu ii fidiyay Madaxweyne Rayaale iyo in la sii wado in aan la shaqeyno maamulka Somaliland ee dhinacyada deganaanshaha iyo nabadda iyo gobolka iyo in la aqoonsado Dimoqraadiyadda Dastuurka ee halkan. Mareykanka waxaa uu ahaa taageere doorashooyinkii madaxa bannaanaa ee xiliyadii aanu ka soo gudubnay halkan ka dhacay, waxaana sii wadeynaa taageeridda u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee sanadkan, sidaas darteed waxaan halkan u joognaa in aan muujinno caalad saaxibtinimo iyo wada shaqeyn sokeeye”ayay tiri Jendayi Frazer oo Wariyayaal kula hadleysay qeybta nasashada Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

“Horay ayaan marar badan u sheegnay la shaqeynta Somaliland iyadoo laga duulayo Dimoqraadiyadda xoogga leh ee halkan laga sameeyay iyo deganaanshaha,  waana sii wadi doonnaa in aan Somaliland la shaqeyno, waxaana rumeysannahay in Arrinta aqoonsiga ay tahay mid u taalla Midowga Afrika, waxaana horay u sii wadi doonnaa la shaqeynta Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika, iyadoo aan aqoonsan doonno go’aanka ay ka gaaraan gooni-isu-taagga Somaliland”ayay mar kale yiri Jendayi Frazer oo wax laga weydiiyay mowqifka Mareykanka ee ku aadan gooni-isu-taagga Somaliland.

Wfdiga Jendayi Frazer oo 20 Xubnood ka koobnaa waxaa ka mid ahaa Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi Danjire John Yates iyo Xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Ilaalo gaar ah oo u xil-saarnaa in ay ammaanka Wafdiga sugaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wafdigan ka socday Dowladda Mareykanka ee booqday Somaliland ayaa waxaa loo soo dhaweeyay si heer sare ah, iyadoo ay Garoonka Diyaaradaha ka galbiyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Saraakiisha Ciidanka Somaliland, iyadoo ay xusid mudan tahay in Calanka Mareykanka lagu dhejiyay meelo badan oo ka tirsan Magaalada  Hargeysa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia