Taliyihii Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Beledweyne oo xalay toogasho lagu dilay

Axad, February 03, 2008(HOL): Koox hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Degmadda Beledweyne Col. C/qaasim Ibraahim Xili uu ku sii jeeday Gurigiisa.
 
Kooxda dilka Geystay oo ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa markii danbe baxsaday waxaana gaaray goobta dilku ka dhacay Ciidamadda Booliska oo baritaan xoog leh ka sameeyay goobaha ku dhaw halka dilku ka dhacay inkastoo aysan jirin cid Ciidamaddu u soo qabteen falka lagu dilay Taliyaha.
 
Qof ka ag-dhawaa halka lagu Dilay Col. C/qaasim Ibraahim ayaa u sheegay HOL in Taliyuhu ka soo baxay kulan Xaafadda Howl-wadaag ay ku lahaayeen qaar ka mid ah Ciidamadda Amaanka kaa oo looga wadda halay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Mas'uuliyiinta Ciidamadda, waxaana uu goob jooguhu intaa ku daray in kooxda dishay loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka sii warqabay in uu Taliyuhu ka qeyb-qaadanayo kulanka.
 
Dilka habeenimadii Xalay loo geystay taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Degmadda Beledweyne ayaa ku soo beegmay xili Maalmo ka hor isla gudaha Magaaladda Beledweyne lagu dilay Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan Col. Max'ed Cali Gaabow oo nin ku hubeysnaa Bastoolad ku toogtay bartamaha Magaaladda.
 
Arimahan ayaa noqonaya kuwo cabsi badan ku beeray dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne oo siweyn u hadal haya dhacdooyinkan is daba jooga ah ee ka dhacaya Gudaha Magaaladda Beledweyne taa oo hadii aan wax laga qaban keeni karta dhibaato dhinaca Nabad-galyadda ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia