Axad, February 03, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Xaruntiisa dhexe ay tahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa cambaareeyay Shir madaxeedkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas lagu qabtay dal jebiyay shuruucda u taalla Ururka, kuna xadgudbay Qarannimada iyo Midnimada Soomaaliya oo Midowga Afrika xubin ka ah.
“Waxaa wax laga xumaada ah in madaxda Afrika ku kulanto Ethiopia oo ku soo duushay dalka Soomaaliya, gumaad, burburin, barakicin iyo boob hantiyeedna u gaysatay shacabka Soomaaliyeed, arrintaasoo ka soo horjeeda Axdiga & Shuruucda Midowga Afrika “ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Sidoo kalena Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Itoobiya lagu amaano qabsashada iyo dembiyada dagaal ee ay ka geysatay Soomaaliya, iyadoo taasi macnaheeda uu yahay in lagu taageero ujeeddooyinkeeda guracan ee ah in aysan Soomaaliya marnaba helin nabad iyo xasilooni, waa sida Warsaxaafadeedka ku xusane.
“Buubuuninta kooxda Baydhabo & ku sheegista wax aysan ahayn xal uma aha shacabka Soomaaliyeed, ee xalku waxa uu ku jiraa in uu shacabaka Soomaaliyeed ka tashado aayihiisa isagoo madax banaan isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan caddawga dalka ku soo duulay looga saaro” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga oo uu HOL soo gaarsiiyay Cusmaan Libaax oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbaheysiga.
Sidoo kalena Isbaheysiga waxaa uu diiday in Ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la geeyo iyadoo aaney shacabka Soomaaliyeed Heshiis ku ahayn, iyadoo sidoo kalena uu Midowga Afrika ka dalbaday in uu joojiyo dibindaabyada looga soo maleegayo shirarkiis Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan Midnimadooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo xoreyn lahaa Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia