Axad, February 03, 2008(HOL): 8 Ruux ayaa geeriyootay 7 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay Miino la kacday Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen Ganacsato Qaadka ka baayac-mushtarta oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.
Dadkii saarnaa Gaarigaas ay Miinada la qaraxday oo tiradooda gaareysay 20 ruux ayaa waxaa kaliya ka badbaaday 5 ruux oo uu ku jiray Darawalkii gaariga kaxeynayay, halka 8-da ruux ee geeriyootay oo uu hilibkooda isku darsamay ay isugu jireen rag iyo dumar, halka 7 Ruux oo kalena dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Madiina.
Goob-jooge ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay oo dul-tegay gaarigii ay Miinada ku qaraxday ayaa wuxuu sheegay in uu arkay wax uu fiirin waayay oo ahaa dad uu qaraxa jar-jaray oo uu hilibkooda isku darsamay.
Daqiiqado markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dadka kala ceyrinayay, iyadoo dhinaca kalena dadkii dhaawaca ahaa Isbitaal loola cararay, halka la isku soo uruuriyay 8dii ruux ee geeriyootay oo uu hilibkooda isku darsamay.
Wadada hor-marta Dugsigii 21-ka Oktoobar ee isku xirta Isgoyska KM4 iyo Dugsigii sare ee Booliska ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo Miino oo midkii kan ka horeeyay loo dhigay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo qaraxaas ay seddex Askari kaga dhaawacantay.
Wuxuu ahaa Qaraxii seddexaad oo haleela gaari ay dad rakaab ah saaran yihiin, waxayna qaraxyo midkan la mid ah oo khasaare geystay ay ka dhaceen Isgoysyada Fagax iyo Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya Qaraxyada ka dhasha Miinooyinka Dhulka lagu aaso, kuwaasi oo qaarkood lala beegsado gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, halka kuwo kalena ay haleelaan Gaadiidka Dadweynaha sida midkii saaka oo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia