Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jawaab ka bixiyay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye-Axmed Diiriye
Axad, February 03, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ahayd in dilkii afhayeennada Maamulka Gobolka Banaadir ay ka dambeeyeen Odayaasha Hawiye iyo Al-Shabaab.
 
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in uu hadalkaas aad ula yaabay, isal markaana aysan jirin wax ku xambaari kara in ay dilaan dad aan waxba ka galabsan, “Aniga markii la dilayay Maxamed Muxyaddiin Xabsi ayaan ku jiray, Cabaas Galeyr-na wuxuu ahaa nin walaalkey ah, mana jirin wax aan u dilo”ayuu yiri Axmed Diirye Cali oo sheegay in Maxamed Dheere uu ka dambeeyay xariggii loo geystay.

Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in Maxamed Dheere uu golahooda eedeynayo kadib markii uu wax ka qaban waayay dadka dagaalka kala soo horjeeda, isagoo caddeeyay in ay taasi tahay mid ay cid kasta fahmi karto.

“Maxamed waa nin uu warka ka dhintay oo aan aqoonin wax uu ku hadlo, wuxuuna doonayaa in uu daboolo dhibaatadii uu dadka u geystay”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in Maxamed Dheere uu amar ku bixiyay in la dhameeyo dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo uu Al-Qaacidda ku tilmaamay.

“Markii horeba wixii loo soo magacaabay Maxamed Dheere waxay ahaayeen in uu dadka dhameeyo, hadana howshii ayuu hayaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Diiriye Cali.

Ugu dambeyntiina, Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere uu doonayo in uu carqaladeeyo dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay waddo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee ay ku dooneyso in ay  isku soo dhaweyso Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia