Axad, February 03, 2008(HOL): Shirkii Midowga Afrika ee shalay lagu soo gebagebeeyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ugu roonaatay Xaaladda Soomaaliya oo qudheeda aan la yareysan karin.
Shirka oo seddex maalmood socday ayaa waxaa hareeyay ka hadalka qalalaasaha ka taagan Dalka Kenya oo ay ku dhinteen dad gaaraya 900 oo ruux iyo weliba fowdo uu cagaha la galay Dalka Chad kadib markii ay mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda ay la wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaalo madaxda dalkaas.
53 Madaxweyne oo ka qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika ayaa waxay cambaareeyeen dagaalka lagu hayo Xukuumadda Chad oo ay ku tilmaameen mid si sharci ah loo soo doortay, iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweynayaashii shirka ka qeybgalay qaarkood ay sheegeen iyagoo soo xiganayay Dastuurka u degsan Midowga Afrika in ay ciidamo difaaca u diri karaan Dowladda Chad.
Arrimaha Soomaaliya haddii aynu u soo noqonana waxaa shirka ka qeybgalay oo khudbadna ka jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka codsaday Dalalka Midowga Afrika in ay Ciidamo dheeraad ah u diraan Soomaaliya, isagoo sidoo kalena soo bandhigay qorshaha Xukuumaddiisa ay ku wajaheyso xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya, iyadoo ay taasina si weyn u soo dhaweeyeen madaxdii shirka ka qeybgashay.
Intaas kadib war-murtiyeedkii laga soo saaray Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in si deg deg ah Ciidamo loogu soo diro Soomaaliya, isla markaana Xukuumadda Federaalka la taageero oo markaasina lala qabto wixii loo awoodo.
Ugu dambeyntiina, Shir madaxeedka kan xiga ayaa bisha July ee soo socota waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, iyadoo markaasina ay madaxda Qaaradda Afrika dib u eegis ku sameyn doonaan wixii ka qabsoomay ballanqaadyadii shirkan lagu bixiyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia