Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2008(HOL): Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay ayaa maanta wuxuu ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa waxaa loola dan lahaa Kolonyo ka tirsan Ciidamada Amisom oo wadadaas socday, balse qaraxa ayaa wuxuu dhacay kadib markii ay Ciidamada ka gudbeen halkii loogu aasay.

3 ruux oo rayid ah ayaa qaraxaas ku geeriyootay, kuwaasi oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ay jireen dad ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan nawaaxiga Shineemo Soomaaliya.

Ma ahan qaraxii ugu horeeyay oo ka dhaca Wadada Makka Al-Mukarrama, waxaana horay uga dhacay qaraxyo badan, kuwaasi oo uu ku jiray mid lala eegtay Haween howlo nadaafadeed ka waday Wadadaas, kuwaasi oo ay soo gaartay  dhimashadii iyo dhaawacii ugu badnaa.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka u soo guurtay magaalada Muqdisho horaantii sanadkii 2007 waxaa ka dhacayay qaraxyo aan horay looga aqoonin magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasna inta badan lala eegto gaadiidka ay saaran yihiin Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia