Degmada Matabaan ee Goballka Hiiraan oo si weyn looga dareemayo saameynta dagaallada ka dhacaya qeybo ka mid ah Goballka Gal-gaduud

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2008(HOL):  Dadka ku dhaqan Degmada Matabaan ee Goballka Hiiraan saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo food saartay cabsi aad u ballaaran oo ay ka qabaan sameeyn ay ku yeesheen dagaallada wejiga cusub la soo if-baxay ee ka dhacaya qeybo ka mid ah Goballka Gal-gaduud.
 
Sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Odayaasha Degmada Matabaan cabsi dadku qabo ayaa ka dhalatay kadib markii ay ku soo bateen gudaha Degmada Ciidamo qeyb ka ah dhinacyada ku dagaalamay Goballka Gal-gaduud taasoo keeni karta ayuu yiri dagaalku ku soo fido dhinaca Degmada.
 
Xaafadaha qaar waxaa ay wararku sheegayaan in durbaba dadku bilaabay dayaar-garow la xiriira sidii ay uga baxsan la haayeen haddiiba uu dhaco dagaal gudaha Degmada ku dhaxmara kooxaha isaga soo horjeeda Goballka Gal-gaduud, inkastoo hadana marka la eego Degmada Matabaan la oran karo waa ay ka dadban tahay qeybaha dirirtu ka socto.

Warar Xog-ogaal ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in xalay ilaa saakay ay gaareen Degmada Matabaan Ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qeyb ka ah dagaallada ka dhaca Degmooyinka Goballka Gal-gaduud, waana tan keentay ayaa la oran karaa in uu sii xoogeysto shakiga dadku qabo saameyn uu dagaalku ku yeesho.
 
Dhinaca kale waxaa uu hakad ku yimid isu socodkii gaadiidka isaga gooshi jiray  Goballada dhexe gaar ahaan gaadiidka Xoolaha nool ka qaada Magaalada Beledweyne, sababo la xiriirinayo dagaallada ka dhacaya Goballka Gal-gaduud.
 
Marka loo sii fiirsado dagaallada ka soo cusboonaaday Goballka Gal-gaduud waxaa muuqaneysa in xaalku sii adkaanayo mar haddii dagaalladu ku lug leeyihiin kooxo cusub oo waliba aan horay looga baran in ay dagaallamaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia