Axad, December 28, 2008(HOL): Waxaa soo kordhaya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo dhinacyada ku dagaallamaya Deegaannada ka tirsan Gobolka Galgaduud ee kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ay dad Islaam ah dagaallamaan, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay dirirta joojiyaan, isla markaana ay u weeciyaan xabadda ay isku ridayaan sida uu u yiri dhinaca ciidamada cadawga ah ee ku soo duulay Soomaaliya.
Sidoo kalena, Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ku hadlayay magaca Culumaa’udiinka ku baaqay in ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada ay u kala baxeen hoggaanka Muqaawamada ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya labada koox diimeed uu yahay mid aan loo baahneyn oo sida uu yiri farxad gelinaya cadawga Umadda Soomaaliyeed, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday dhinacyada dagaallamaya in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana waxyaabaha ay isku hayaan ay ka wada hadlaan.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa isagana baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaallamaya Galgaduud, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar la yihiin haddii looga baahdo in ay ciidamo kala dhexdhigaan dhinacyada dagaallamaya.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya deegaannada ka tirsan Gobolka Galgaduud in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay ogolaadaan in ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan, wuxuuna farta ku fiiqay in ay diyaar u yihiin in ay gogol nabadeed u dhigaan dhinacyada dagaallamaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia