Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in aan waqti dhow la isku dari doonin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Isbaheysiga

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa shaaca ka qaaday in aaney xiligan jiri doonin Ciidamo la isku dhafayo oo ay ka kala socda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in marka ay Ciidamada ka baxaan Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga ay mas’uuliyado gaar ah kala qaadan doonaan, isla markaana ay ammaanka sugi doonaan iyagoo aan la isku darin.

Col. Cumar Xaashi Aadan waxaa uu sheegay in Ciidamo la isku daro ay u baahan tahay in marka hore la diyaariyo Ciidamo tababaran oo anshaxooda ciidannimo uu wanaagsan yahay, wuxuuna caddeeyay in aaney waxba ka jirin in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya la isku darayo.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in marka ay Ciidamada Itoobiya baxaan ay dadka Soomaaliyeed ay aayahooda ka tashan doonaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay la hadlayaan cid kasta oo ka soo horjeeda dadaallada xal-doonka ah ee ay wadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia