Dagaal u dhaxeeya Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2008(HOL): Dagaal u dhaxeeya xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa saaka aroortii wuxuu ka qarxay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kuwaasi oo u badan dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalkan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dadkii degmada ku dhaqnaa, kuwaasi oo intii ay u suurtagashay in ay dagaalka ka baxsadaan ay u carareen dhulka baadiyaha ah ee ku xeeran Degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaalkan wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay ay dagaallo ka dhaceen Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay isla dhinacyada ku dagaallamaya Degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaalladan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn waxyaabaha ay rasmi ahaan salka ku hayaan marka laga reebo in ay labada dhinac ku hardamayaan gacan-ku-heynta Gobolka Galgaduud.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia