Axad, December 28, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Gobolka Galgaduud.
Shiikh Daahir Aweys oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu ka xun yahay in ay dagaallamaan muqaawamada iyo dadka deegaanka.
“Arrintaas waxay ahayd mid aan horay uga baqayay in ay dhacdo, waana ogaa in qoladii naga tegay ay dhibaatadaas keenayaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo dhinacyada ku dagaallamaya Galgaduud ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, ayna u weeciyaan xabadda ay isku ridayaan sida uu u yiri dhinaca cadawga.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in dagaallada aysan kaliya ka dhicin gobolka Galgaduud, sidoo kale ay horay uga dhaceen Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, taasina ay tahay arrin aan wanaagsaneyn oo iska hor-keeneysa Xoogagga Muqaawamada iyo Dadka ku dhaqan deegaannad ay ku sugan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia