Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir oo sheegay in uu dib Muqdisho ugu soo celinayo dad horay uga barakacay

Cabirka Farta


Midig: Guddoomiyaha KMG ah ee  Gobolka Banaadir Dhagaxtuur iyo ku xigeenkiisa C/fataax Ibraahim Shaawey

Talaado, August 05, 2008(HOL): Maamulka  KMG ah ee Gobolka Banaadir Banaadir ayaa  maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu Magaalada Muqdisho dib ugu soo celinayo dad horay uga barakacay oo ku nool duleedyada Muqdisho.

Guddoomiyaha KMG ah ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo maanta la hadlayay Dad isugu soo baxayay Degmada Madiina oo taageerayay magacaabistiisa ayaa wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay guryahoodii dib ugu soo celin lahaayeen Dad badan oo ku nool duleedyada Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo guryahoodii uga cararay dagaallada Muqdisho ka dhaca.

Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) waxa uu sheegay in ay wax ku yihiin dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay guryahooda ku soo celiyeen dad horay uga barakacay oo ku noolaa qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kalena Guddoomiyaha KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ay furi doonaan Waddooyin muhiim ah oo ku xirmay Dagaalladii xoogganaa ee Muqdisho ka dhacay Sanadkii hore ee 2007, wuxuuna xusay in marka ay Waddooyinkaas furaan ay u sahlanaan doonto in ay Dadka guryahooda ku soo noqdaan.

“Waxaan ka kaalmeyn doonnaa Dadka guryahoodii ku soo noqonaya tas-hiilaadka ay u baahan yihiin iyo weliba ammaanka, waxaana rajeyneynaa in ay si nabadgelyo ah ugu noolaan doonaan Guryahooda”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur).

Waxaa isna la hadlay Dadkii isugu soo baxay Degmada Madiina Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Nabadgelyada C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey oo sheegay in ay mar walba la jiraan sharciga, isla markaana ay ka soo horjeedaan cid kasta oo awood iyo sharci darro wax ku dooneysa.

Hadlka ay jeediyeen Mas’uuliyiintan ka socotay Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir oo u baahan ficil ayaa haddii ay ka dhabeeyaan wuxuu noqon doonaa mid ay dhibaato lixaad leh uga bixi doonaan Dad badan oo nabadgelyo darro aawadeed uga cararay guryahooda oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo haatan ku nool Duleedyada Magaalada Muqdisho.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia