Talaado, August 05, 2008(HOL): Waxaa saaka degan xaaladda goobo ay shalay dagaallo ka dhaceen oo ku yaala xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Dagaalkii shalay ka dhacay xaafadahaas ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay dhinacyadii dagaallamay isu adeegsadeen.
Khasaaraha uu dagaalkii shalay geystay ayaa waxaa ugu darnaa mid soo gaaray dad rayid ah oo tiradooda 30 ruux gaareyso, kuwaasi oo uu madfac kula habsaday Xaafadda Al-Caddaala ee Degmada Huriwaa, waxaana la sheegay in ay dadkaas soo gaartay dhimashada dad ka badan 10 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan.
Dagaalka Shalay Xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo dhexmaray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo beryahan ay magaalada Muqdisho ka yaraadeen dagaalladii sida joogtada ah uga dhici jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia