Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay isu tanaasulaan

Cabirka Farta

Talaado, August 05, 2008(HOL): Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay khilaafka u dhaxeya xaliyaan, isla markaan ay isu tanaasulaan.

Guddoomiyaha Guddigaas Ismaaciil Macallin Muuse ayaa khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda ku tilmaamay mid aan u wanaagsaneyn Dowladda Federaalka iyo weliba dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay horseedka ka tahay Qaramada Midoobay.

Ismaaciil Macallin Muuse ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in ay si deg deg u xaliyaan khilaafka u dhaxeeya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xal loo helo khilaafka soo kala dhexgalay madaxda dowladda uu yahay mid si habsami ah u sii wadi kara howlaha hor-yaalla Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka waxaa uu ugu baaqay dhinacyadii heshiiska ku wada saxiixay Dalka Jibouti 9-kii June 2008 in ay dhowraan qodobadii lagu heshiiyay, wuxuuna labada dhinacba ka codsaday in aysan sameynin tallaabooyin wiiqi kara heshiiskii ay labada dhinac wada gaareen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia