Uganda oo sheegtay in ay Ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, August 05, 2008(HOL): Sarkaal sare oo u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay in ay Ciidamadooda sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo inta ay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay ka maarmayaan kaalintooda nabad ilaalineed.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda Gen Katumba Wamala ayaa sheegay in ay Ciidamadooda ku joogaan Soomaaliya amarka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay in ay Soomaaliya ka tegi doonaan haddii ay taasi go’aamiyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Hadalka uu sii daayay Janaraalkan ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan uu Midowga Afrika waday dadaallo uu ku doonayo in ay howlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya la wareegaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Dhawaanna u qeybsaha Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka Ambassador Ramtane Lamamra ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee haatan Soomaaliya jooga aysan awood u lahayn in ay sugaan Ammaanka, wuxuuna taasi sabab uga dhigay iyadoo aysan ciidamadaas heysan taageero dhaqaale iyo mid dhinaca logistic-kada ah.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo tiradoodu gaareyso 2,600 oo magaca Midowga Afrika uga howlgelaya Soomaaliya, waxayna Ciidamadaasna ka kala socdaan Dowladaha Uganda iyo Burundi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia