Talaado, August 05, 2008(HOL): Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay madaxweynaha C/llaahi Yuusuf ku eedeeyeen in uu ka soo horjeedo oo uu jallaafeynayo Dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Wasiirradan oo kala ah Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Maxmed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Mustaf Dhuxulow ayaa waxay dhammaantood shirka jaraa’id ka sheegeen in madaxweynaha uusan raali ka ahayn dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wax ka waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan marna raali ka noqon dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in tan iyo markii ay Xukuumadda bilowday dadaallada dib u heshiisiineed uu waday tallaabooyin ka dhan ah.
Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa isna wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu Maamulka Puntland u ogolaaday in uu shidaal soo saarto dhinaca kalena uu ka soo horjeedo nabadda iyo dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in lagu nabadeynayo deegaannada colaadaha ka jiraan.
Ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa isna wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Wasiirradii is-casilaadda ku dhawaaqay ee ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka ay sheegeen in ay isu casileen sabab la xiriirta xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, wuxuuna sheegay in ay tuhmayaan in uu arrintaas lug ku lahaa Madaxweynaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia