Talaado, August 05, 2008(HOL): Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay qarax dorraad lala beegsaday Haween howlo nadaafadeed ka waday Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo 15 ka mid ah ay geeriyoodeen, halka in ka badan 40 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxaas, wuxuuna sheegay in uu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda sii xumaaneysa ee dalka Soomaaliya.
Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in uu si weyn uga xun yahay in la dilo haween aan waxba galabsan oo nolol maalmeedkooda ka raadsanayay in ay nadiifiyaan Waddooyinka Muqdisho, “Waxaan tacsi u dirayaan Dadkii ay haweenkaas ka geeriyoodeen, waxaana ugu baaqayaa Wadaniyiinta saxda ah ee Soomaaliyeed inay wada hadal iyo isla xiriir isugu gudbiyaan waxyaabaha ay kala tabanayaan, ayna u turaan dadka aan waxba galabsan”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah.
Sidoo kalena waxaa cambaareyn taas la mid ah jeediyay u qeybsanaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Mr. Javier Solana oo sheegay in ay si weyn uga xumaadeen dhibaatadii soo gaartay Haweenka Soomaaliyeed ee Nadaafadda ka shaqeynayay, wuxuuna sheegay in uu tacsi u dirayo qoysaskii ay ka geeriyoodeen haweenkii qaraxaas ku dhintay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad.
Mr. Javier Solana ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya inay si dhab ah uga qeybqaataan geeddi socodka nabadeed ee la doonayo in Soomaaliya xasiloonidii iyo kala dambeyntii loogu soo celiyo, wuxuuna si gaar ah uga codsaday dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay u turaaan shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia