Isniin, August 25, 2008(HOL): Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa loo qeybiyay nuqullo ka mid ah Mooshin ka dhan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Mooshinkan oo ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen in ka badan 80 Mudane ayaa waxaa faah-faahintiisa Mudanayaasha Baarlamaanka u aqriyay Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble oo ka mid ah Mudanayaasha Mooshinkan soo diyaariyay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshinka ay ka soo diyaariyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay u cuskadeen iyadoo ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka, maareynta dhaqaalaha dalka, maamul u sameynta gobollada dalka iyo iyadoo ku xad-gudubtay Axdiga u degsan Dowladda Federaalka.
“Haddii Xukuumadda Nuur Cadde ay sheegto in ay wax ka qabatay Dib u heshiisiinta taasi iyada waa ka horeysay, waana ka dambeyn doontaa, sababtoo ah Dowladda oo dhan ayaa dib u heshiisiin ku dhisan”ayuu yiri Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble.
Markii uu Xildhibaanka dhameeyay faahfaahinta Mooshinka ayaa waxaa Mudanayaasha Baarlamaanka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo shir guddoominayay kulankii maanta, wuxuuna sheegay in guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay mooshin ay ku saxiixan yihiin 98 mudane balse ay 5 Xildhibaan sheegeen in laga been abuurtay, halka 5 kalena uu xusay in ay ka laabteen mooshinkaas, kadibna wuxuu mudanayaasha u sheegay in ay qoraalka Mooshinka soo aqristaan.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa mooshinka loo gudbiyay waxaa ay soo aqrisan doonaan muddo 24 saac ah, kadibna waxay isugu soo noqon doonaan shir kale, iyagoo kadibna ka doodi doona Mooshinkaas ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia