Isniin, August 25, 2008(HOL): Sida HOL ay u xaqiijeen Ilo Xog-ogaal ah Ciidamada Itoobiya ee fadhigooda yahay duleedka bari ee Magaalada Beledweyne gaar ahaan xerada Jate-kuundisho waxaa ay xabsiga dhigeen 4 dhalinyaro ah oo sida wararku sheegayaan ku soo jeeday Magaalada Beledweyne.
Dhalinyarada la qabqabtay ayaa la socday Gaari Safar ah oo ka yimid dhinaca Goballada dhexe kaas oo markii uu soo gaaray Xerada Jante-kuudisho baaritaan kadib Ciidamadu kala hareen qaar ka mid ah dhalinyaradii la soctay oo sida wararku ay sheegayaan kagaga shakiyeen in ay ka mid yihiin kooxaha la dagaallama.
Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Degmada oo ay HOL wax ka weydiisay waxa uu kala socdo dhaliyarada ay qabqabteen Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ilaa hadda uusan aheyn warka arintaas ku saabsan laakiin haddii uu jiro ay baari doonaan, waxaana uu intaas ku daray in mar walba ay dhici karto in la qabto dad laga shakiyo marka danbi lagu waayana layska sii daayo.
Xerada duleedka Bari ee Jante-kuundisho oo fariisinka u ah Ciidamada Itoobiya ayaa ah goobta kaliya ee Ciidamada Itoobiyaanku kala socdaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka isaga kala goosha Gobollada Dhexe, waxaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dagaallada ka dhaceen Magaalada Beledweyne Ciidamadu xoojiyeen koontaroolka dadka soo galaya Magaalada gaar ahaan dhaliyarada oo inta badan ah kuwa mar walba looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin kooxaha dagaallada wada.
Ma'aha markii ugu horeysan oo sidan oo kale Ciidamadu qabtaan dad ay ka shakiyaan waxaana dhowr jeer oo hore Ciidamadu Xabsiga dhigeen dad qaarkood laga qab qabtay gudaha magaalada iyo waliba kuwo laga dajiyay gaadiidkii ay la socdeen kadib markii laga shakiyay, laakiin ugu danbenytii la sii daayay kadib markii la ogaaday in aysan wax shaqo ah ku laheyn sababaha loo soo xiray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay duleedka Magaalada Beledweyne oo gaari ay la socdeen kala haray dhalinyaro ay uga shakiyen in ay ka tirsan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda.
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay mooshin ka dhan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
- Maamulka KMG ah ee G/Banaadir oo codsaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo dhawaan la af-duubtay
- Ciidamo ka socda Dowladda Canada oo bilaabay in ay galbiyaan Maraakiibta WFP ee ku socota Soomaaliya
- Dowladda Australia oo Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Boolis ah u dirtay Afrika si ay gacan uga geystaan sii deynta Wariye looga heysto Soomaaliya
- Eeyo ku sugan Xaafadihii laga barakacay ee Magaalada Muqdisho oo bilaabay in ay dadka cunaan
- Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab laga leeyahay Dalka Garmalka la soo aaday Xeebaha Degmada Ayl ee Maamulka Puntland
- Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay waxbarashada Xisaabaadka iyo cabirka oo ka dhacday Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho