Dowladda Australia oo Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Boolis ah u dirtay Afrika si ay gacan uga geystaan sii deynta Wariye looga heysto Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, August 25, 2008(HOL):  Dowladda Australia ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay Qaaradda Afrika u direyso Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Boolis ah oo gacan ka geysan doona sidii loo sii deyn lahaa Wariye Ajnabi ah oo looga heysto Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Australia Kevin Rudd ayaa sheegay in Galbeedka iyo Bariga Afrika ay u direen Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Boolis ah, kuwaasi oo dabagal ku sameyn doona Wariyayaal lagu af-duubtay Soomaaliya oo uu ku jiro Wariye Australia u dhashay, wuxuuna caddeeyay in ay kooxo dheeraad ah u direen Magaalooyinka Peritoria iyo Nairobi ee dalalka Kenya iyo South Africa.

Dowladda Australia oo aan wax xiriir diblumaasiyadeed ah la lahayn Soomaaliya ayaa waxay diblumaasiyiinteeda ku sugan magaalada Nairobi ay xiriir la sameynayaan maamullada ka jira Soomaaliya, si loo sii daayo Wariye Nigel Brennan oo Australia u dhashay, kaasi oo laga af-duubtay duleedka magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa waxay 23-kii bishan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye Nigel Brennan oo Australia u dhashay, Amanda Landhout oo Canada u dhalatay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay, waxayna seddexdaas Wariye  maalintii seddexaad ku jiraan gacanta kooxihii Af-duubtay.

Wariyayaashan oo maalmo ka hor yimid Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa markii la qafaalanayay waxay doonayeen in ay warbixinno ka sameeyaan dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee  ku sugan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia