Isniin, August 25, 2008(HOL): Xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay laguna maamuusayay munaasabad qalin jebin ah oo loo dhigay arday soo dhameysatay waxbarashada xisaabaadka iyo cabirka ayna ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ardaydaas ayaa maanta lagu qabtay Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.
Xafladaan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka waxbarashada KEI Professionals Dugsiga Kulan, waxaana halkaasi ka hadlay mas'uuliyiinta Dugsiga, Macallimiin iyo khubaro ku xeeldheer dhinaca xisaabaadka iyo cabirka.
Maamulaha Dugsiga Kulan Eng. Abuukar Qaasim, Eng. C/llaahi Maxamuud Xuseen, Prof. Axmed Hiraabe Guddoomiyaha SAGRA, Guddoomiye K/Xigeenka Jaamacadda Muqdisho C/Salaan Maxamuud Caddow oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadka Dugsiga Kulan iyo xilliga la asaasay, waxayna xuseen in dugsigani uu yahay Dugsigii ugu horeeyay ee dalka ka hirgala burburkii kaddib uuna soo saaro arday ku xeeldheer dhinaca xisaabaadka iyo cabirka, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan doona dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Munaasabadda qalin jebinta ardayda dhameysatay waxbarashada xisaabta iyo cabirka, waxaa kale oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay Eng. C/risaaq Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha Dalladda Kulan Engineering (Nuune), isagoo ku dheeraaday warbixin ku saabsan Dugsiga Kulan iyo waxqabadkiisii mudadii la asaasay, wuxuuna sheegay in dugsigaasi ay asaaseen Aqoonyahano Soomaaliyeed, oo uu sheegay inay geliyeen maskaxdooda, muruqooda iyo hantidooda, isla markaana suurtageliyay in arday fara badan ay soo saaraan.
Eng.Nuune ayaa sheegay in ardayda wax ka barata Dugsiga Kulan ay ka soo xulaan dadka dhaqaale ahaan hooseeya si buu yiri loo helo arday si aad ah u jecel waxbarashada diyaarna u ah inay ka faa'iideystaan waxyaabihii ay barteen, isagoo tilmaamay in dadka danyarta ah ay ku fiican yihiin waxbarashada, hase yeeshee Eng.Nuune waxa uu dhinaca kale sheegay inay bilaabeen ardayda kuwooda aan awood inay iska bixiyaan kharajka waxbarashada inay la kaashanayaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo sida uu sheegay qaarkood ay ka heystaan ballanqaadyo ah inay bixinayaan fiiga waxbarashadooda.
Ardayda maanta qalin jebisay ee la guddoonsiiyay shahaadooyinkooda ayaa gaaraya ilaa shan arday, inkasta oo ay jiraan arday kale oo iyana kaalimo wanaagsan ka galay waxyabihii ay baranayeen, waana dufcaddii koowaad ee iyagu ka soo baxa dugsigaasi, iyadoo Eng.Nuune ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada iyo shaqsiyaadka magaca leh inay caawiyaan ardayda dan yarta ah ee aan heli karin lacagta waxbarashada, oo uu tilmaamay inay tahay bishii lacag gaareysa 15$USD.
Magacyada ardayda qalin jebisay oo Shahaadooyinka la guddoonsiiyay:
Cali Dubbad Gacal
C/raxmaan Maxamuud Cabdi
Mahad Cumar Cabdi
Maxamuud Xaaji Shinni
Saciid Nuur Maxamed.
Dhinaca kale Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng.Nuune) waxaa kale oo uu sheegay in Dugsigoodu abaabul ugu jiro dhowaan inuu bilaabo seminaaro loo qabanayo ardayda, kuwaasi oo lagu barayo cilmiga beeraha iyo kalluumeysiga, "Ardaydaasi aan ka bareyno cilmiga beeraha iyo Kalluumeysiga, kaliya ma aha inaan bareyno xisaabta iyo cabirka" ayuu yiri Eng. Nuune oo sheegay in Dugsigooda uu yeelan doono laamo fara badan oo iyagu ka howlgala gobolada dalka, wuxuuna tilmaamay in dalabkii ugu horeeyay uu ka soo gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.
Jabriil M. Nuur
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Xaflad qalin jebin ah oo loo qabtay arday dhameysatay waxbarashada Xisaabaadka iyo cabirka oo ka dhacday Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay mooshin ka dhan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
- Maamulka KMG ah ee G/Banaadir oo codsaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo dhawaan la af-duubtay
- Ciidamo ka socda Dowladda Canada oo bilaabay in ay galbiyaan Maraakiibta WFP ee ku socota Soomaaliya
- Dowladda Australia oo Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Boolis ah u dirtay Afrika si ay gacan uga geystaan sii deynta Wariye looga heysto Soomaaliya
- Eeyo ku sugan Xaafadihii laga barakacay ee Magaalada Muqdisho oo bilaabay in ay dadka cunaan
- Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab laga leeyahay Dalka Garmalka la soo aaday Xeebaha Degmada Ayl ee Maamulka Puntland
- Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay duleedka Magaalada Beledweyne oo gaari ay la socdeen kala haray dhalinyaro ay uga shakiyen in ay ka tirsan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda.