Ciidamo ka socda Dowladda Canada oo bilaabay in ay galbiyaan Maraakiibta WFP ee ku socota Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, August 25, 2008(HOL): Ciidamo ka socda Dowlada Canada oo wata Markab Dagaal ayaa waxay bilaabeen in ay soo galbiyaan Maraakiibta u raran Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee ku socota Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii ay Ciidamadaas Markab u raran WFP ay geeyeen Dekedda weyn ee Muqdisho, iyadoo xiligaasina Xaafadaha xiga Xeebta Muqdisho lagu arkayay Diyaarado Helicopters ah oo dul haadayay Markabka WFP u rarnaa.

Sarkaal u hadlay Xafiiska Muqdisho ee WFP ayaa sheegay in ay Dowladda Canada noqotay Dowladdii ugu horeysay oo ka soo jawaabtay codsi ay u direeen dalalka caalamka, kaasi oo ahaa in gacan laga siiyo ilaalinta Maraakiibta Mucaawinada wada ee ay geeyaan Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Canada Peter Mackay ayaa markii uu Ciidamada dalkiisa u soo dirayay Soomaaliya waxa uu sheegay in ay dareemayaan in ay jirto baahi deg deg ah oo loo qabo raashinka ay WFP geyso Soomaaliya.

 “Gaarsiinta Raashinka mucaawinada ah si deg deg ah ayaa looga baahan yahay dalka Soomaaliya, laakin amni darrada ka sii dareysa ee ka jirta Soomaaliya ayaa waxay mid adag ka dhigtay in raashinkaas Badda iyo Berriga lagu gaarsiiyo dadka u baahan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Canada Peter Mackay oo sheegay in ay kaliya howshoodu noqon doonto in ay Maraakiibta mucaawinada waday ay si nabadgelyo ah ku geeyaan Dekedaha loo xusho.

Ciidamo ka socday Dowladaha Holland, France iyo Denmark oo saarnaa Maraakiib dagaal ayaa waxya muddo 8 bilood ah ilaalinayeen Maraakiibta u raran WFP ee Dekedaha Soomaaliya raashinka geeya, hayeeshee Ciidamadaas wey ka baxeen Biyaha Soomaaliya markii uu u dhamaaday waqtigii ay ugu talagaleen in ay Xeebaha Soomaaliya joogaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia