Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab laga leeyahay Dalka Garmalka la soo aaday Xeebaha Degmada Ayl ee Maamulka Puntland

Cabirka Farta

Isniin, August 25, 2008(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah ayaa maanta la soo aaday Markab laga leeyahay dalka Jarmalka xeebaha Degmada Ayl, kaasi oo maalinimadii arbacada ahayd ay  ka soo afduubteen Xeebaha Gacanka Cadmeed.

Guddoomiyaha Degmada Ayl C/llaahi Siciid Aw-Yuusuf oo si gaar ah ula soo xiriir HOL ayaa sheegay  in Kooxo Burcad Badeed ah oo si aad ah u hubeysan ay Markabkan la soo galeen xeebaha Degmada Ayl shalay Galinkii danbe.

C/llaahi Siciid Aw-Yuusuf Guddoomiyaha Degmada Ayl ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka degmadaasi ay dareemayaan cabsi aad u xoog badan oo ka soo food saartay dhanka Burcad Badeeddaas.

Warar hoose ayaa sheegay in ay jiraan xiliga habeenkii ah diyaarado la maqlayo Guuxooda oo kaliya, kuwaasi oo ka soo dul kacaya Maraakiib laga leeyahay dalalka France iyo Marakaynka, kuwaasi oo xeebaha Puntland u jooga ka ilaalinta kooxaha Burcad Badeedka ah.

Kooxaha Burcad Badeedka ah ayaa inta badan u fuliya   afduubyada caynkaan oo kale  in ay helaan Lacag Madax furasho ah oo ay ka qaataan Wadamada laga leeyahay Maraakiibta ay soo qafaashaan.

Markabkani ayaa kii lixaad ku noqonaya dhawr Markab oo horay af-duub loogu haystay degmadaasi Ayl , waxaana uu qayb ka yahay Maraakiibta kooxaha Burcad badeed aha ay sooo afduubteen.

Waxaa Maraakiibta afduubka loogu haysto Degmada Ayl Qaarkood   laga kala leeyahay Wadamada Cuman , Malaysia , Iyo Ukraine , waxaan Maraakiibta afduubka loogu haysto qaarkood ay Cuburin kala kulmaan kooxaha Burcad Badeedka.

Af-duubka Maraakiibta  iyo dadka Ajaanibta ah ay waqtiyadii ugu danbeeyay Puntland ka noqday sida tusbax afka laga furay ,Waxaana maamulka uu sheegaa in arrimahaasi uu wax ka qaban doono.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia