Dayax-madoobaad xalay laga arkay Somaliland

Cabirka Farta

Axad, 17 August 2008 (HOL): Qaar ka mid ah Magaalooyinka iyo Degmooyinka Somaliland ayaa xalay laga dareemay Dayax-Madoobaad, waqti saacaddu ku beegnayd 11:25pm ilaa 11:35pm ee habeenimo Saacadda Afrikada Bari ama Shan saac iyo badh habeenimo. Taas oo badi dadku u yaaceen dhinaca Masaajidada oo ay muddo kaga jireen Salaad.

Dayax-Madoobaadkan oo xalay laga arkay Magaalooyinka waawayn ee Somaliland iyo qaar ka mid ah Degmooyinka, ayaanay dadka badankoodu ka war haynin, hase ahaatee ay ku war haleen markii ay Masaajidadu mar kaliya isku dareen Codadka aqrinta Quraanka. Dayaxa kala badh madoobaaday, kaas oo uu muddo ku beegnayd 2 saacadood uu madoobaa. Taas oo ay badi dadkuna waqtigaas ku jireen Salaad. Iyaga oo qayb ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa aanay dib u seexan ilaa uu ka caddaaday oo uu sida caadiga ku soo noqday Dayaxu waqti ay goor-sheegtu ama Saacaddu ku beegnayd ilaa 2:28pm habeenimo ama Siddeed saac iyo badh habeenimo ee xalay.

Maaha markii ugu horraysay ee Somaliland laga arko Dayax-madoobaad hase ahaatee kan kii ka horeeyay ayaa dhacay waqti imika muddo laga joogo.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland