Axad, August 17, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu beeniyay in Dad 50 ruux ka badan oo dhawaan ku geeriyoodeen Deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye ay dileen Ciidamada Itoobiya.
Gaashaanle Daahir Maxamed Xirsi oo u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay dadkaasi dileen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in dadkaas ay ku geeriyoodeen Miino ay Kooxahaas dhulka ku aaseen.
“Labada gaari ee ay dadka ku baaba’een waxay daba socdeen Gaari Ural ah oo ay Kooxaha Qaraxaas geystay ay doonayeen in ay Miinada ku qarxiyaan, waxayna Miinada ku qaraxday labada Gaari kadib markii uu Ural-kii ka gudbay”ayuu yiri Daahir Maxamed Xirsi oo sheegay in la soo arki karo burburka gaadiidkii ay dadkaas la socdeen.
Afhayeenka u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kale oo uu sheegay in hadalkiisa lagu rumeysan karo iyadoo la soo arki karo dadkii halkaas ku dhaawacmay, kuwaasi oo uu caddeeyay in la kala garan karo in dhaawaca ay qabaan uu yahay mid rasaaseed ama uu yahay mid qarax ka dhashay.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dabayaaqadii todobaadkii hore ay dad ka badan 50 ruux ku dhinteen deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye, iyadoo dadkaasina la sheegay in ay si bareer ah u toogteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaas qarax lagula beegsaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia