Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo kulamo gooni gooni la leh Madaxda Dowladda Federaalka

Cabirka Farta

Axad, August 17, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa wuxuu Magaalada Addis Ababa kulan kula leeyahay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa waxay sheegayaan in Ra’iisal Wasaare Zenawi uu la kulmay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, maantana uu kulamo la qaadan doono Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baalramaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Ilaa iyo haatan lama oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan madaxda sare  ee Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi, waxaase la hubaa in ay ku saabsan yihiin sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda.

Marka ay soo dhamaadaan kulamada madaxda Dowladda iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa in si rasmi ah shaaca looga qaado natiijada ka soo baxday wada hadalladaas, inkastoo ay dhici karto in loo baahdo in ay labada dhinac mar kale kulamo isugu yimaadaan.

Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa waxay noqotay meesha lagu xaliyo khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka, waxaana horay loogu soo af-jaray khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia