Agaasimihii Idaacadda Daljir ee Boosaaso oo la xiray

Cabirka Farta

Axad, 17 August 2008 (HOL):  Ciidamo ka tirsan Booliska  Magaalada Boosaaso ayaa maanta Gelnkii danbe xabsiga u taxaabay wariye Maxamed Axmed Maxamuud (Welcome) oo ahaa Agaasimaha Idaacada Daljir ee Magaalada Boosaaso.

Wariye Maxamed Axmed ayaa loo kaxeeyay dhanka Saldhiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, iyadoo aysan jirin ilaa iyo hadda Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo si rasmi ah uga hadlay xiritaanka Agaasimaha Idaacadda Daljir..

Xirtaanka Agaasimaha Idaacada Daljir ayaa yimid kadib markii Idaacaddaasi laga baahiyay warar ku saabsan Kulan uu qabtay Musharaxa Nuuradiin  Aadan Diiriye oo ka mid ah Musharaxiinta u tartamaysa doorashada Puntland ka dhici doonta sanadka soo socda.

Warar hoose oo madax banaan ayaa sheegaya in xiritaanka Agaasimaha Idaacadda Daljir uu amar ku soo bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo maalin ka hor sheegay in Idaacaddii lagu arko iyadoo tebinaysa Wararka Musharaxiinta Tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Lama garanayo xiliga xabsiga laga soo deyn doono wariye Maxamed Axmed Welcome oo iminka muddo saacado ah u xiran Ciidanka Booliska Magaalada Boosaaso. Shaqaalaha ka hawl Idaacaddaasi iyo dhamaan Wariyaasha Puntland ayaa Cambaarayn dusha uga tuuray xiritaanka loo gaystay Agaasimaha Idaacadda Daljir ee Magaalada Boosaaso.

 Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso , Somalia