Axad, August 17, 2008(HOL): 11 Xildhibaan oo dhawaanahan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa shalay waxay ku laabteen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo markii ay tageen ay ka sheegeen in ay dib u heshiisiin ka dhex bilaabayaan Mudanayaasha Baarlamaanka ee is-khilaafsan.
Xildhibaannadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa u hadlay Mudanayaasha kala ah Bashiir Maxamed Aadan (Dhuura-caso), Ibraahim Xabeeb Nuur iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxayna ka hadleen sababta ay u yimaadeen Baydhabo iyo waxa ay doonayaan in ay qabtaan.
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa sheegay in ay dhexdhexaad ka yihiin khilaafka ku kala dhex jira Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan in ay Dib u heshiisiin ka dhex bilaabaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, “Waxaan aragnay in aysan munaasab ahayn in ay Xildhibaannada Baarlamaanka is-khilaafaan iyadoo la ogyahay Marxaladda uu maanta ku sugan yahay dalka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Xabeeb oo sheegay in ay wax laga xumaado tahay in ay is-qab-qabsadaan Mudanayaasha Baarlamaanka iyadoo ay Dad badan oo Soomaaliyeed xabab ku dhamaadeen, kuwo kale ay Badaha ku dhamaadeen, kuwo kalena ay Qaxooti yihiin.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isagana wuxuu sheegay in Mas’uuliyadda Xildhibaannimo ee ay hayaan ay fareyso in ay ka shaqeeyaan sidii is-heysadka Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya loogu dhameyn lahaa qaab dastuuri ah, iyadoo meesha laga saarayo is-jiid-jiidka siyaasadeed ee Mudanayaasha Baarlamaanka soo kala dhexgalay.
Hadalka ay sii daayeen Mudanayaashan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay labo u qeybsameen, isla markaana ay la kala safteen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu khilaaf soo kala dhexgalay, iyadoo ay xusid mudan tahay in kala qeybsanaanta Xildhibaannada uu gaaray heer Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Mooshinno iska soo horjeeda laga geeyo Baarlamaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia