Axad, 17 August 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahn ayaa maanta Guddoomiye u magacaabay mid ka mid ah Gobollo cusub oo uu dhawaan Madaxweynuhu ku dhawaaqay inay ka mid noqonayaan gobollada Somaliland.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo HOL soo gaadhay, Madaxweynuhu wuxuu guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Saraar oo ka mid ah Gobolladii dhawaan la magacaabay. Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sedan;
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa maanta wareegto uu soo saaray uu u magacaabay Gudoomiye cusub gobolka Saraar ee Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland iyo baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada hawsha gudoomiyenimada Gobolka Saraar iyo ahmiyada weyn ee gobolkaasi u leeyahay dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay Mudane Saleebaan Ducaale X. Jaamac in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saraar.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo tix gelin gaar ah siinaya kartida , aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Mudane Saleebaan waxa uu ku amray in maanta laga bilaabo sida ugu dhakhsaha badan ugula wareego xilka loo igmaday.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland