Isniin, August 11, 2008(HOL): Waxaa saacado gudahood markii labaad qarax lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka baxay Xeradii Asluubta ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ku sii jeeday Magaalada Baydhabo.
Ciidamadan oo xalay lagu weeraray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Deegaanka Siinka Dheer, isla markaana ay halkaas uga geeriyoodeen Askar badan sida uu sheegay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa hadana waxaa saaka barqadii mar kale lagu weeraray QaraxBambaano, kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya.
Ciidamadan oo marka qaraxa lala beegsanayay marayay Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay qaraxaas kadib fureen rasaas badan, taasi oo sababtay in ay geeriyoodaan shan ruux oo ay Ciidamadu rasaas ka daba-geeyeen iyagoo sii kala cararayay, halka ay todobo ruux oo kalena ay dhaawacmeen.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo markii labaad saacado gudahood uu qarax ku qabsaday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Wanla-weyn ayaa waxay ku sii jeedaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay, halkaasi oo uu yaalo saldhig ay Ciidamada Itoobiyaanku leeyihiin.
Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka iyo rasaasta ka dambeysay ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah geysatay ayaa waxay Degmada Wanla Weyn ka dhigtay mid uu gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga, iyadoo la soo sheegayo in Ciidamada Itoobiyaanka ay gudaha u galeen xaafadaha Degmada.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya ay kala kulmaan weerarro ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah iyo weliba qaraxyo loo dhigo gaadiidka ay isticmaalaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia